Inaad heshid shaqo waa hamiga ugu wayn ee qofkasta uu leeyahay siu u uheli nolol dagan oo xasiloon taas u uku gaari karo hormar dhaqaale.
Si kastabo ha ahaate su’aasha qofkasta oo naga mid ah uu iswaydiinayo waa “Sideen shaqo ku helaa, maxaase laga rabaa qof shaqo doon ah si loo aqbalo?”
Qormadan waxaan kaga hadli doona haduu eebe yiraahdo talaabooyin muhiim ah oo kaa caawin karo inaad shaqo heshid.
- IS-DIYAARINTA (PREPARATION)
Kahor intaadan shaqo dalbanin waa inaad qodobadaan diyaarsatid.
- Naftaada qiimee: Ogoow waxaad baratay, waayo-aragnimada aad leedahay, iyo kartidaada.
- Resume/CV wanaagsan: Diyaarso CV aad loo diyaariyay oo ay ku cadahay nolashadii waxbarasho, shaqo iyo xirfadaha aad leedahay.
- Qoraal codsi (cover letter): Waa qoraal gaaban oo muujinaayo sababta aad shaqadaan u codsanaysid.
- RAADI FURSADO SHAQO (JOB SEARCH)
- Ku xirnoow oo la soco website yada shaqooyinka kuwa gudaha iyo dibadda ahbo.
- Adeegso oo isticmaal baraha bulshada sida facebook, linkedin kuwaas oo shaqooyinka lagu baahiyo.
- Xiriir la samee qoyska iyo saaxiibada: sababtoo ah mararka qaar fursadaha ugu fiican waxay ku yimaadaan qof aad taqaano.
- SHURUUDAHA LAGA RABO QOFKA SHAQO DOONKA AH
Shaqooyin kala duwan waxay leeyihiin shuruudo kala duwan, laakiin kuwa guud ee la iska rabo waa:
- Aqoon/waayo-aragnimo: Waxbarasho ku habboon ama khibrad shaqo oo aad leedahay.
- Xirfado shaqo (skills): Tusaale ahaan, xirfadaha kombiyuutarka, graphic designka, video editingka, digital marketingka iyo xallinta dhibaatooyinka.
- Akhlaq wanaagsan iyo daacadnimo.
- Ku hadalka luqadaha muhiimka ah: gaar ahaan haddii shaqadaas u baahan tahay English, Arabic, ama Somali qoran.
- ISU-DIYAARINTA WAREYSIGA (INTERVIEW)
- Baro oo waxbadan ka ogow shirkadda aad u codsaneyso.
- Iska soo diyaari dhanka labiska .
- Kaga jawaab su’alaha si kalsooni leh, oo muuji rabitaankaaga shaqada.
- Weydii su’aalo muujinaya inaad si dhab ah u xiisayso booska.
- DULQAAD IYO JOOGTEYN
Shaqa raadintu waxay u bahanatahay dulqaad iyo joogteen aanan niya jab lahen.
Waxaad codsan karta boqolaal shaqo kahor inta aadan helin hal shaqo.
Marka ha niyad jabin oo dadaal kudar alle ku xirnoow.
GUNAANAD
Helidda shaqo waxay u baahan tahay is-diyaarin, dadaal joogto ah, iyo xirfado la jaanqaadi kara baahida suuqa. Marka aad buuxiso shuruudaha lagama maarmaanka ah, waxaad kordhaayo fursaddaha shaqo oo lagu aqbalo codsigaaga.