Dunida maanta ah waxay ku socotaa xawaare sare oo dhanka tiknoolajiyadda ah.
Waxaa si joogto ah u kordhaya isticmaalka aaladaha elektaroonigga ah sida taleefannada casriga ah, kombiyuutarada, iyo internet-ka.
Wax walba waxaa loo wareejiyay dhanka dijitaalka: ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo isgaarsiinta. Laakiin horumarkan degdega ah wuxuu la socdaa halis weyn oo dhinaca amniga ah, taasoo keentay baahi wayn oo loo qabo cyber security ama ammaanka internet-ka.
Cyber security waa habka lagu ilaaliyo nidaamyada, qalabka, iyo xogta dijitaalka ah ee laga isticmaalo internet-ka si aysan gacanta ugu dhicin dad aan loo idmin.
Tani waxay noqon kartaa xogta bangiyada, macluumaadka shakhsiyeed, warbixinnada dowladda, iyo waliba siraha ganacsiyada.
Haddii xogahan muhiimka ah la waayo ama la xado, waxay keeni kartaa khasaare weyn oo maaliyadeed, sumcad-darro, iyo mararka qaar khatar ku timaada nolosha dadka.
Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee cyber security muhiimka u yahay waa badbaadinta xogta shakhsiga ah iyo tan bulsho ee xasaasiga ah.
Tusaale ahaan, haddii qof dambiile ah uu helo xogta kaarkaaga bangiga ama lambarka sirta ah ee email-kaaga, wuxuu si fudud u isticmaali karaa si uu kuu khiyaaneeyo ama lacag ku dhaca magacada iyo xogtaad.
Intaa waxaa dheer, weerarrada dhanka internet-ka ah waxay saameyn karaan hay’adaha dawladda, taasoo dhaawici karta amniga qaranka ama hoos u dhigi karta kalsoonida dadweynaha.
Sidoo kale, cyber security waxay muhiim u tahay ka hortagga jabsiga iyo weerarrada elektaroonigga ah.
Dunida maanta ah, weerarro noocaan ah waxay noqdeen kuwo caadi ah oo saameeya shirkado waaweyn iyo xitaa dadka caadiga ah.
Waxaa soo kordhaya wax la yiraahdo “ransomware,” oo ah barnaamijyo weerar ah oo xanniba xogta qof ama hay’ad ilaa ay bixiso lacag madax furasho ah.
Haddii aan la helin difaac adag, wax walba oo digital ah way halis gali karaan.
Ugu dambeyn, cyber security waxay xoojinaysaa kalsoonida isticmaalka tiknoolajiyadda, Dadka iyo shirkaduhu waxay u baahan yihiin inay dareemaan nabadgelyo marka ay adeegsadaan internet-ka ama kaydiyaan xogtooda online.
Haddii aysan jirin kalsooni amni, horumarka dhijitaalka ah wuxuu noqon karaa mid halis ah oo la iska cabsado halkii uu ka noqon lahaa mid la adeegsado si waxtar leh.
Gabagabo, cyber security waa tiir muhiim ah oo suurtagelinaya in bulshada casriga ah ay si ammaan ah ugu tiirsanaato teknolojiyadda. Waa difaac ka hortagaya waxyeello dhaqaale, mid bulsho, iyo mid qaranba, Sidaas darteed, muhiimad gaar ah ayaa la siinayaa horumarinta, fahamka, iyo ilaalinta amniga dhijitaalka ah ee dhammaan dadka iyo hay’adaha.