Marka ardayga uu dhameeyo jaamacada waxuu wajahaa marxalada cusub oo noloshiisa aad muhiim u ah waana helida shaqo.
Hadaba su’aasha waxay tahay “Sidee ardayga jaamacadda u dhameeya uu shaqo degdeg ah ku heli karaa?”.
Waa su’aal muhiim ah maadama suuqa shaqada Somalia uu tartan badan kajiro isla markana xirfadaha qofka iyo u diyaar garowga shaqada mustaqbalka ay muhiim u tahay.
Waxaan kula wadaagi doonaa talaabooyin hadad qaadid xaqiiqdii aad heli doontid fursado fiican.
- Samee diyaar garow intaad jaamacada kujirtid:
Mid kamid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee kaa caawinayo inuu ardayga shaqo helo waa inuu bilaabo diyaar garow joogto ah sida
- Ka qayb galidda tababarada (internshipka ah) xilliyada fasaxa uu kujiro ardayga.
- Ka mid noqoshada ururada ardayda iyo hawlaha iskaa wax u qabso ah (volunteering).
- Ka shaqeynta mashaariic wax ku ool ah oo la xiriira qeybta uu dhigto
Marka ardayga ka faa’ideysto howlaahas waxuu heli doona qibrad shaqo u uku dalban karo
- Ku Dadaal Inaad Yeelato Shabakad (Network)
Inaad yeelatid shabakad ama koox aad ku xiran tahay ama aad kamid tahay sida asxaab badan waana inaad xiriir la yeelata cid kasta oo aad noqotid qof furfuran oo bulshada dhax galo.
Waana inaa xiriir fiican la yeelata:
- Macallimiinta jaamacadda.
- Dadka xirfadlayaasha ah ee ku jira qeybta aad dhigtid.
- Qof kasta oo uu ka baran karo wax ku saabsan suuqa shaqada.
Waxaa muhiim ah in ardaygu ka qeybgalo shirarka, dood aqooneedka iyo waxqabadyo kale oo uu kula kulmi karo dad kale oo muhiim ah.
- sameyso cv iyo warqad codsi oo tayo leh
CV-ga (curriculum vitae) waa sida qofka aqoonsigiisa lagu arko marka laga hadlayo suuqa shaqada. Waxaa lagama maarmaan ah in ardaygu diyaariyo:
- CV si qurux badan u qor oo ku muuji waxbarashadaada, khibradaada, iyo xirfadaha aad leedahay.
- Warqad codsi (cover letter) oo caddeyneysa sababta aad shaqada u rabto iyo waxa aad ku soo kordhin kartid shirkada.
- La Soco Fursadaha Shaqo Ee Jira dalkeena.
Ardayga waa inuu si joogto ah ula socda bogagga shaqooyinka lagu xayeysiiyo sida:
- Fursado.com (ama fursadaha gudaha dalkiisa)
- Websites-ka rasmiga ah ee hay’adaha iyo shirkadaha
Sidoo kale, ardaygu waa inuu diyaar u noqdaa inuu shaqooyin tababar ah (internship) aqbalo marka hore, si uu u dhiso khibrad u horseedi karta boos rasmi ah.
- Horumarinta Xirfadaha Dheeraadka ah
Inta badan shaqooyinka waxay u baahan yihiin xirdafo ka baxsan waxad ka baratay jaamacada.
Baro xirfadaha sida:
- Xirfadda kombiyuutarka (Microsoft Office, Excel, PowerPoint, iwm)
- Xirafadha iskuxirka ama xiriirka (communication skills)
- muuqaal sameynta (video editingka)
- naqshadeynta sawirada(Graphic Design)
- suuqgeynta casriga ah (digital marketing)
Waxa lagu talinayaa in ardaygu qaato koorsooyin dheeri ah oo online ah ama kuwo jaamacaddu bixiso si uu uga muuqdo tartanka shaqada.