WAA MAXAY DROPSHIPPING? FAHAMKA, IYO ARAGTIDA ISLAAMKA!

HORDHAC:-

Dropshipping waa hab ganacsi oo aad ku iibin karto badeecooyin ama alaabo adigoon lahayn bakhaar ama meel lagu keydiyo alabadaada.

Marka uu  macmiilku ka iibsado shey ama alaab dukaan online ah oo aan aheen tukamankii aan naqanay ee tooska looga iibsan jiray balse la casriyeyay oo laga dhigay tukan aad wax kaga gadanaysid online adigoo isticmaalayo internetka  ganacsaduhu (dropshipper-ka) waxa uu amarka u gudbiyaa shirkadda ama cida laheyd alaabadaas ayaga ayaana si toos ah ugu diraayo macmiilka.

Iibiyaha ama ganacsaduhu waxa uu ku helaa faa’iido taas oo ah  farqiga u dhexeeya qiimaha ay joogtay marku tukanka ka soo qaadayay  iyo qiimaha uu ku iibiyey.

Sidee Buu u Shaqeeyaa Dropshipping?

Waxaad qeybtan hoose ka heli doonta habka uu ushaqeyo dropshipping iyo waxa loga baahan yahay qofka rabo inuu noqdo dropshipper:

  1. Furitaanka Dukaan Online ah :

Waa inaad abuurta ama aad isticmaashada website (E-commerce) ama aad ka kireysta qol ama tukan online ah (platforms ka) sida shopify oo kale.

  1. Xulashada Badeecada –:

Si aad u heshid badeecooyin aad iibisid waa inaad doorata meeshii aad ka heli lahayd badeecadaha, waxaana bixiyo website yada sida AliExpress, Spocket, iwm.

  1. Soo Bandhigida Badeecada –:

Alaabadii aad soo diyaarsatay waa inaad ku darsata tukankaga online ka ah si loo iibsado, adigoo linkiyada soo qaadanaya kadibna iibinaayo.

Sharxaada, sawirada iyo qiimaha waa muhimada kowaad .

  1. Dalabka Macmiilka –:

Marka macmiilku dalbado bacdeecada, adiga isla markiibo waxaad ugudbinaysaa shirkada ama warshada laheyd badeecadaas.

  1. Dirista Badeecada ee Macmiilka –:

Shirkada ama bakhaarki lahaa ayaana udiri doono oo gaarsiin doono macmiilka.

 

  1. Faa’iidada Ganacsadaha(Dropshipperka) – :

Hadabo intaas marka martid waxaa la joogaa xiligaad heli lahayd faa’idada .

Faa’idada waxay ku xiran tahay farqiga u dhaxeeyo qiimaha ay ka joogta shirkada ama warshada iyo qiimaha aad adiga saaratay ee aad gadaysay.

Dropshipping Xalaal Ma Yahay Mise Waa Xaaraan?

Su’aashani waxay si gaar ah ugu socotaa dadka muslimiinta ah. Aragtida Islaamka ee dropshipping waxay ku xirantahay sida habkaasi loo fuliyo:

Marka uu noqon karo xalaal:

  • Haddii aad adiga ganacsadaha ah caddeyso in aadan haynin badeecada/ama alaabta oo aad tahay wakiil (sida dillaal), aadna sheegtid cidda leh iyo waqtiga dirista.
  • Haddii uu hishiis ganacsi idinka dhaxeeyo adiga iyo shirkada ama warshada leh alaabtaas oo aad ogtahay in badeecadeeda ay dhab ahaan jirto, laguna kalsoonaan karo.
  • Hadii lacagta laga qaado macmiilka kadib marka laabta u tagto
  • Hadii intaas suurta gal aheen ganacsigaada waxba kujiro

Marka uu noqon karo xaaraan:

  • Haddii aad iibiso badeeco ama alaabo aadan hubin waxay tahay micnaha jiritaankeeda waxay noqonaysaa qiyaano inaadan hubin waxa aad gadaysid.
  • Hadii aad usheegtid macaamisha inaad alaabada ama badeecada aad haysid isla markana diyaar tahay
  • Hadaad Macmiilka kaqaadatid lacagta isla markana ay kugu adkaato ama aad dhib kala kulantid keenista alaabta taas oo ah balan ka bax.
  • Qaar kamid ah Culimada ayaa qabo in  dropshipping  uu noqon karo xalaal hadii loo maro ama lafuliyo shuruudaha islaamiga ah ee iibka isla markana aysan jirin qiyaano lagu sameynayo macmiilka.

Gabagabo:

Dropshipping waa fursad dahabi ah taas oo ku haboon ganacsiga online-ka.

Qofka muslimka ah haduu u maro sifo sharci ah isaga oo dhowraayo sharciga iibka ee diinteena islaamka wuu ka fa’ideysan karaa waxuuna ka sameyn karaa lacag fara badan gaar ahaan haduu ku nool yahay wadamada horumary sida yurub iyo America.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *